657 Views

Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo kawada hadlay Arimaha abaaraha.

Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada oo kawada hadlay Arimaha abaaraha.
____________________________________________________________________________

Aaxd: May 29, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan arrimaha Gurmadka Abaaraha Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa  kulan fogaan arag ah la yeeshay dhammaan wasiirrada Gargaarka Dowlad Goboleedyada ee xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, xubno kale oo ka kala tirsan Xafiiska Raysal wasaaraha iyo Wasaarada Gargaarka ee XFS.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlay mudnaan-siinta Gurmadka Abaaraha iyo sidii si wadajir ah la iskaga kaashaan lahaa caawinta ummadda Soomaaliyeed ay abaaruhu halakeeyeen.

Wasiirradu waxay boggaadiyeen Madaxweynaha dawlada federaalka mudnaanta uu siiyey Gurmadka Abaaraha iyo in uu magacaabay Ergay gaar ah oo u qaabilsan arrimaha bani-aadannimada iyo Gurmadka Abaaraha.

Waxa ay sidoo kale wasiirradu ballan qaadeen in ay wadashaqayn buuxda la yeelanayaan ergeyga, iyagoo soo dhoweeyey sida dardarta leh ee uu Xafiiska Ergeyga gaarka ah ee Arrimaha Gurmadka Abaaraha uu u dhaqaajiyay howlaha Gurmadka.

Ugu danbayn, Ergeyga iyo Wasiirrada Dowlad Goboleedyada xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxa ay isla qaateen in kor loo qaado wacyiga bulshada iyo in si wadajir ah loogu gurmado dadka ay abaaruhu saameeyeen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post