984 Views

Xoghayaha Guud ee QM iyo Guddoomiyaha Midowga Afrika oo ugu baaqay siyaasiyiinta wadahadal

____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 16 2021–
Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat iyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres, ayaa qoraal ay si wadajir ah u soo saareen waxa ay ugaga hadleen arrimaha siyaasada dalka iyagoo ku baaqay in siyaasiyinta ay wadahadal ka yeesheen khilaafka arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan ku amaanaynaa shacabka iyo hoggaamiyeyaasha Soomaaliya horumarka ay ku tallaabsatay sannadihii la soo dhaafay dhinaca xasilinta dalka, Guulihii adkaa ee la soo hoyiyay ayaa markhaati u ah sida adag ee dadka Soomaaliyeed ay ugu go’antahay nabad iyo barwaaqo waarta, tobannaan sano oo xasilooni darro ah.”

Qoraalka ayaa sidoo kale loogu baaqay siyaasiyiinta soomaaliyeed sidii looga hadli lahaa arrimaha doorashooyinka.

“Gudoomiyaha iyo xoghayaha guud waxay ugu baaqayaan hogaamiyaasha soomaalida inay dib u bilaabaan wada hadalada kuna shaqeeyaan niyad sami si looga gudbo caqabadaha siyaasadeed ee ugu dambeeya ee doorashooyinka loo dhanyahay sida ugu dhaqsaha badan uguna ixtiraamaan heshiiskii ay wada gaareen 17kii Sebtember 2020.”

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post