729 Views

Galmudug oo Shacisay qabashada Doorashada sedex kursi.

Galmudug oo Shacisay qabashada Doorashada sedex kursi.
____________________________________________________________________________


Arbaco: February 9, 2022

Gudiga doorashooyinka Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa shaciyay Doorshada sedex oo kamid ah Golaha Shacabka kuwaa oo degaan doorshadoodu tahay Magaalada Dhuusamareeb ee Casimadda Dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka Heer D/G Galmudug ayaa sidoo kale shaciyay Ergada, odoyaasha Dhaqanka,Bulshada Rayadka iyo  jadwalka  Doorashada sedexda kursi oo kala ah HOP#025 Hop#081 iyo Hop#053.

Gudiga ayaa shegay in Maanta oo taarikhdu tahay 09 bisha 02 la Diwaangelinayo Gudiga Ergadda xulista, Halka maalinta xigtana ay tahay qabashada Araajiyada, Diwaan gelinta Lacag shubista, iyo shahaado siinta musharixiinta, iyagoona ugu danbeeyntii shegay in doorashada Sedexa kursi ay dhici doonto 12 bisha 02, 2022.

Kuraasta la shaciyay waxaa ku kala fadhiyay HOP#025: Waxaa  8dii sanno ee lasoo dhafay ku fadhisay Naciimo Maxamed Gacal, Waxaana Xusid Mudan in kursigaani loo badalay Rag, waxaana loo badinayaa in uu kusoo bixi doono Gudoomiyaha Degmada Deeyniile Jacfar abuukar.

Sidoo kale Hop#81 Waxaa ku fadhisay Maryan Cariif Qaasin halka Hop#053 uu isna ku fadhiyay Faarax Cabdi Xasan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post