426 Views

Hirshabelle oo sheegtay in ay qaadeen jidgooyooyinkii yaalay deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe

Hirshabelle oo sheegtay in ay qaadeen jidgooyooyinkii yaalay deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe
____________________________________________________________________________

Kahmiis: June 30, 2022

Howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen taliska ciidamada booliska Hir-shabeelle iyo Saraakiisha Militariga ee ka howlgalla deegaanada maamulkaas, ayaa lagu qaaday isbaarooyin yaalay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale, howlgalka waxaa hoggaaminayay guddoomiyaha gobolka shabeelaha dhexe, Axmed Mayre Makaraan, waxaana ku wehlinayay taliyaha Booliska Hir-shabelle, Xasan Dhicisow Xasan, taliyaha ururka 4-aad ee qaybta 27-aad ciidamada Xoogga Korneyl Saney iyo maamullada degnooyinka gobolka Shabeelaha Dhexe ee howlgallada laga sameeyey.

Howlgalka oo ahaa mid wadajir ah waxaa ay ciidamada ammaanka ka sameeyeen si gaar ah degmooyinka dhaca dhanka xeebta, gaar ahaan War-sheekh, Cadale iyo Raage Ceelle oo ka wada tirsan gobolka Sh/Dhexe.

Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ee maamulka Hir-shabeelle Axmed Mayre Makaraan oo ka hadlay howlgalka ayaa warbaahinta u sheegay inay qaadeen jidgooyooyinkii yaalay dhamaan wadooyinkaasi, isagoona guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo ciidamada ammaanka ku amray  inay sii adkeeyaan amniga goobaha laga qaaday jidgooyooyinka ee ku yaala Gobolka Shabeelaha Dhexe.

Tallaabadaani ayaa kusoo aadeysa, xili gaadiidleyda ku safra wadada isku xirta Magaalooyinka Muqdisho iyo Afgooye ay cabasho xoog leh ka muujiyeen jidgooyin ay dhigteen kooxo burcad ah, kuwaasi oo marar qaar dadka ka qaata agabyada ay wataan.

Hirshabelle oo sheegtay inay qaadeen jidgooyooyinkii yaalay deegaano ka tirsan G/Sh/Dhexe.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post