621 Views

Ingiriiska oo la kulmay cambaareyn caalami ah kaddib midab-takoorkii cayaartooyda madow

Ingiriiska oo la kulmay cambaareyn caalami ah kaddib midab-takoorkii cayaartooyda madow
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Xiriirka kubadda cagta ee England, Ra’isul Wasaaraha Britain Borris Johnson, kooxaha kala duwan ee bulshada, xiriirka k/cagta ee Yurub ayaa waxay dhammaan cambaareyeen farriimo qoraal ah oo baraha bulshada la soo mariyay, kuwaas oo lagu oo cunsuriyeeyay cayaaryannada madowga ah ee xulka Ingiiriiska.

Cayaaryahannadan oo kala ah Marcus Rashford, Jadon Sancho iyo Bukayo Saka ayaa xulka Ingiriiska ka khasaariyay rigooreyaashii ciyaartii kama-dambeysta aheyd ee koobka qaramada qaaradda Yurub, kaas oo Talyaanigu ku guuleystay.

Bulshada isboortiga caalamka ayaa cambaareeyay hadallada isir-naceyka ah ee lagula kacay cayaartooydaas, iyadoo cayaartooydii hore ee horyaalka iyo kuwa hadda u ciyaaraha kooxaha Ingiriiska, oo u kala dhashay dalal badan oo caalamka ah ay taageero u muujiyeen cayaaryahannada sida goonida ah loo takooray.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post