1044 Views

Mareykanka oo walaac ka muujiyay muranka kajira doorashada Soomaaliya

Mareykanka oo walaac ka muujiyay muranka kajira doorashada Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 10, 2021Guddoomiyaha Guddiga Xiriirka Arrimaha Dibadda ee Aqalka Senate-ka Mareykanka, Bob Menendez, ayaa bayaan kasoo saaray xiisadaha kasii daraya ee ku saabsan doorashada Soomaaliya kaddib markii Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu ka dhammaaday waqtigii xilka iyadoo aan la gaarin heshiis ku aaddan qabashada doorashooyinka horay loo muddeeyay.

Senator-ka ayaa bayaanka uu soo saaray ku sheegay:

“Waxaan ka walaacsanahay xiisadda sii xoogeysaneysa ee ku saabsan doorashada Soomaaliya iyo khatarta dhabta ah ee loogu jiro in uu dhiig ku daato ismariwaaga hadda ka taagan arrimaha siyaasadda. Khilaafka jira ee u dhaxeeya Madaxweyne Farmaajo, hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada iyo mucaaradka Soomaaliya wuxuu halis galinayaa dadaalkii adkaa ee ay dadka Soomaaliyeed usoo mareen horumarka dhinaca siyaasadda iyo dhaqaalaha laga gaadhay tobankii sano ee lasoo dhaafay, taasina waxay khalkhal galineysaa xasiloonida guud ee dalka.

“Anigoo og in Al Shabaab ay raadin doonto fursad kasta oo ay ku abuurto qalalaase siyaasadeed si ay usii waddo ololaheeda argagixiso, Waxaan dhammaan dhinacyada ay arrinta khuseyso ugu baaqayaa inay si deg deg ah uga tanaasulaan tanahooda siyaasadeed ee gaarka ah ayna xal ka gaaraan qodobada ay wali isku khilaafsan yihiin ee la xiriira doorashada, iyadoo aan dib u dhac kale la sameynin. Heshiis walba oo noocaas ah waa in uu salka ku hayaa mabaadii caddaalad ku dhisan ayna faa;iido ugu jirto dimuqraadiyadda xisbiyada badan ee Soomaaliya.”

Inta badan dalalka taageerada siiya Soomaaliya ayaa aad uga walaacsan xaaladaha cakiran ee siyaasadda Soomaaliya, waxaana laga dhur sugayaa shirka uu Farmaajo isugu yeeray Madaxda dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post