1122 Views

Dad ku dhintay qarax ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Baay

Dad ku dhintay qarax ka dhacay degaan ka tirsan Gobolka Baay
____________________________________________________________________________

Qaraxa oo ahaa miinada dhulka la dhigo ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay Goob maqaaxi ah oo kutaalla degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay.
Goobta Maqaaxida ah oo ay ka Shaaheeyaan shacab iyo askar ka tirsan Ciidamada Koonfur Galbeed ayaa kutaalla suuqa degaanka Awdiinle, waxaana ku dhintay qaraxa Afar ruux halka 5 kale ay ku dhaawacmeen.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay Risaala u sheegeen in dadka qaraxa dhimashada iyo dhaawaca ku noqday ay yihiin badi Shacab maqaaxida ku sugnaa ,xilliga qaraxa uu dhacayay oo mashquul badan uu kajiray maqaaxida.
Guddoomiyaha degaanka Awdiinle ee Gobolka Baay ibraahim Maxamed Nuur Kalaay oo la hadlay Warbaahinta Koonfur Galbeed ayaa sheegay in dadka ku dhaawacmay qaraxa haatan lagu dabiibayo Isbitaalka degaanka Awdiinle si loo daaweeyo.
Qaraxyada miino ee lagu Aaso Suuqyada ayaa kusoo batay degaannada Koonfur Galbeed, waxaana aheyd 19-kii Bishaan markii qarax ka dhacay Suuq kuyaalla degmada Bardaale ee Gobolka Baay, kaas oo ay ku dhinteen 7 ruux 11 kalena ku dhaawacmeen.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post