867 Views

Puntland oo ku dhawaaqeysa Natiijada baaritaanka dilkii Paul Anthony Farmosa

Puntland oo ku dhawaaqeysa Natiijada baaritaanka dilkii Paul Anthony Farmosa
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 24, 2019 —Dowlad goboleedka Puntland ayaa War-Saxaafadeed uu soo saaray waxaa uu kaga hadlay in baaritaano dhab ah lagu sameeyo warbixintii  Wargeyska New York Times ee Dowladda Qatar lagu eedeeyay inay ka dambeysay qaraxyo ka dhacay Magalada Boosaaso & inay Puntland soo bandhigeyso baaritaan lagu sameeyay dilkii madaxii Shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

 

War-Saxaafadeed kasoo baxay Puntland oo ku qoran Luuqa Ingilish-ka ayaa marka hore looga dalbaday goleyaasha xeer-dejinta iyo Fulinta ee dowladda Federaalka Soomaaliy inay baaritaan dhab ah ku sameeyaan eedeynta loo jeediyay dowladda Qatar ee ku lug lahaanshaha qaraxii ka dhacay 11-May ee sannadkan bannaanka hore ee maxkamadda darajada 1aad ee Magaalada Boosaaso.

 

 

 

Sidoo kale Puntland ayaa waxaa ay balan qaaday inay gacan weyn ka geysan doonto baaritaanka ku saabsan Eedeynta ka dhanka ah dowladda Qatar ee lagu daabacay wargeyska New York Times,isla markaana kaalin weyn ay ka qaadan doonaan.

 

Geba-gabadii Puntland ayaa dhinaca kale sheegtay in dhawaan ay ku dhawaaqi doonto natiijada kasoo baxday baaritaan ay ku wadeen weeraradii ka dhacay Magaalada Boosaaso si gaar ah dilkii 4-tii Bishii Febaraayo ee sanadkaan loo geystay madaxii Shirkadda P&OPorts Paul Anthony Farmosa.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment