1026 Views

Khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka KG oo la dhageystey

Khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka KG oo la dhageystey
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Talaado     , March 31, 2020 —Xildhibaannada Baarlamaanka labaad ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ay kulan Maanta ku yeesheen Xaruntooda Magaalada Baydhabo,waxaana ajdandaha Maanta uu ahaa dhageysiga Khudbadaha musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka.

 

95 Mudane ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa goobjoog ka ahaa kulanka,iyaga oo dhageystay khudbadaha musharixiinta Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo labadiisa kuxigeen.

 

Musharixiinta Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ee ah Shan Musharax ayaa jeediyey khudbadahooda musharaxnimo,kuwaas oo kala ahaa.

 

1: Xildhibaan Cali Saciid Fiqi oo u taagan qabashada xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

2: Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nuur oo doonaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

 

1: Xildhibaan Aamina Isaaq Maxamed oo u taagan xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

2: Xildhibaan Maxamed Nuur Maxamed oo u tartami doona xilka guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

1: Xildhibaan Shamso Maxamed Yaroow oo ah Shaqsiga kaliya ee u taagan qabashada xilka guddoomiye kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed.

 

Maalinta Berito ah oo ku beegan 1-da Bisha Apriil ayaa la filayaa in ay Magaalada Baydhabo ka dhacdo doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka koonfur Galbeed iyo labadiisa kuxigeen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment