714 Views

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay

Khasaaraha ka dhashay dagaalkii ka dhacay degaanka Baxdo oo kordhay & wararkii ugu dambeeyay
____________________________________________________________________________

Waxaa faah faahino dheeraad ah ay kasoo baxayaan weerar qaraxyo ku bilaawday oo xubno katirsan Ururka Al-Shabaab ay saaka waaberihii hore ku qaadeen degaanka Baxdo oo 90km dhinaca Bari uga beegan Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud.

Weerarka ayaa waxaa xigay dagaal toos ahaa oo dhex-maray Ciidamada xoogaga Ahlusunna iyo maleeshiyaad degaanka ah iyo Al-Shabaab, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Wararka Risaala ay ka heshay ayaa sheegaya in dgaalka ay ku geeriyoodeen in ka badan 20 Ruux Ruux oo kala ahaa Askari ka tirsan Ciidanka daraawiishta Galmudug iyo laba qof oo uu kujiro Wadaad lagu Magacaabi jiray Salaad Warsame Cabdi iyo dhinacyadii kale ee dagaalka uu dhexmaray.

Wararka ayaa waxaa ay intaasi kudarayaan in dagaalka ay kusoo biireen Ciidamo katirsan daraawiishta Maamulka Galmudug, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen in Al-Shabaab laga saaray degaanka Baxdo oo saakay ay galeen.

Xildhibaano katirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Siyaasiyiin kasoo jeeda degaannada Galmudug ayaa dadka degaanka Baxdo ku bogaadiyay sida ay isaga difaaceen weerarkii kaga yimid dhinaca Al-Shabaab.

Qoraal ay dagaalka kasoo saareen Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku sheegteen in weerarkii degaanka Baxdo kudileen 27 maleeshiyaad degaanka ah, sidoo kalena dhankooda looga dilay 9 dagaalame.

Sidoo kale Qoraalkooda ayaa waxaa ay ku sheegeen, in weerarkii saaka uu ahaa mid ay kaga hortagayeen Abaabul wadeen dadka deegaanka kaas oo ka dhan ahaa Deegaanada ay joogaan ee u dhaw Baxdo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post