318 Views

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Yemen

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya oo Muqdisho ku soo dhoweeyay dhiggiisa Yemen
____________________________________________________________________________

Arbaco: January 18 2023

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Abshir Cumar Jaamac, ayaa  maanta Caasimadda Muqdisho ku soo dhoweeyay Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Jaaliyadaha ee dalka aan walaalaha nahay ee Yemen, Dr. Axmed Cawad bin Mubarak, oo booqasho rasmi ah oo seddex maalmood ahi uga bilaabatay dalkeena.

Dalka Yemen oo aan wadaagno xiriir qoto dheer oo leh dhinacyada Dadka, Taariikhda, dhaqanka iyo dhaqaalahaba waxaan iska kaashanaynaa sidii aan usii xoojin lahayn xiriirkaas soo jireenka ah, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Inta uu wasiir Dr. Axmed joogo dalkeena waxaan wada yeelan doonnaa wadahadallo la xiriira arrimaha labada dal. Sidoo kale wasiirku wuxuu booqan doonaa qaar ka mid ah xarumaha dowladda, wuxuuna la kulmi doonaa madaxda sare ee dowladda qaarkood, sidaasi waxaa caddeeyay Wasiir Abshir Cumar Jaamac.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post