921 Views

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka

Ra’iisul Wasaaraha oo kulan la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka
____________________________________________________________________________

Axad: December 26, 2021

 Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan ku qabsoomay Aaladda Fogaan Aragga maanta la yeeshay wakiilada Beesha Caalamka kaas oo ay ka wada hadleen xaaladda dalka, dardar-galinta doorashooyinka iyo shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu wado in uu ka furmo magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa u xaqiijiyay Wakiilada Beesha Caalamka in shirka furmaya ay diiradda ku saari doonaan ilaalinta hufnaanta doorashada iyo sixitaanka, ku dhaqanka habraacyada doorashada iyo soo saaridda jadwal ay ku caddahay waqtiga ay soo gabagaboobeyso doorashada .

Wakiilada Beesha Caalamka ayaa si wadajir ah u bogaadiyay dadaalka Ra’iisul Wasaaraha ee la xiriira sidii doorashada u noqon lahayd mid daahfuran oo lagu kalsoonaan karo.

Wakiilladu waxay si gaar ah u soo dhoweeyeen kulammada wadatashiga ah ee Ra’iisul Wasaaruhu la yeeshay Midowga Murashaxiinta, Bulshada Rayidka ah iyo Beesha Caalamka si uu u dhageysto talooyinkooda ku aaddan hagaajinta hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post