3435 Views

Carwada Bandhiga Buugaagta oo ka furmay magalada Muqdisho

Carwada Bandhiga Buugaagta oo ka furmay magalada Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 15, 2018 –  Ra’iisul wasaare kuxigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed (Qadar ) ayaa maanta daah furay Carwada Bandhiga Buugaagta ee Muqdisho taasi oo sanadkiiba mar la qabto.

Bandhiga buugaagta oo sanadkii 4-aad lagu qabanayo magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale Munaasabada lagu furayay waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan ( Eng: Yariisow). Qoraayaal Soomaaliyeed iyo Bulshada qeybaheeda kala duwan oo soo buux dhaafiyay Hoolka lagu qabanayay Bandhiga Buugagta.

Madasha uu ka dhacayay Bandhigani waxaa la isugu keenay buugaag kala duwan oo ay qoreen Aqoonyahano Soomaaliyeed kuwaas oo ay kusoo bandhigeen Taariikhda Soomaaliya iyo Sheekooyin kala Duwan oo ay ka qoreen Marxaladaha kala duwan ee nolosha la xariira.

Duqa magaalada Muqdisho Mudane Eng Yariisow ayaa kormeeray qeybaha lagu soo bandhigay buugaagta la qoray isagoo iibsaday dhowr buug oo laga qoray Taariikhda Dalka.

mog-book-fair-2018-13 mog-book-fair-2018-12 mog-book-fair-2018-11 mog-book-fair-2018-10 mog-book-fair-2018-9 mog-book-fair-2018-8 mog-book-fair-2018-7 mog-book-fair-2018-6 mog-book-fair-2018-5 mog-book-fair-2018-4 mog-book-fair-2018-3 mog-book-fair-2018-2 mog-book-fair-2018-1

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment