1605 Views

Midowga Yurub & UNDP oo 13 gaadiid ah ku wareejiyay waaxda caadaladda Somaliland.

Midowga Yurub & UNDP oo 13 gaadiid ah ku wareejiyay waaxda caadaladda Somaliland.
____________________________________________________________________________

Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga, ayaa Wasiir ku-xigeenka Arrimaha gudaha Somaliland ku wareejiyay 13 gaadiid oo loogu tala galay in ay adeegsadaan waaxda Cadaaladda Somaliland iyo guddiga doorashooyinka.

Gaadiidkan oo ah nuuca (TOYOTA Hilux), ayaa waxa loogu talogalay Ciidanka Booliska, bahda Caddaalada iyo Wasaaradda arrimaha, waxaana Xaflada lagula kala wareegay GawaaRidan ka qaybgalay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha, Agaasimaha guud ee Wasaaraddaasi, Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo saraakiil ka socda Hay’adda UNDP.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda arrimaha gudaha Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo munaasibadaasi hadal ka jeediyey, ayaa uga mahad naqay Hay’adda UNDP iyo saaxiibadeeda kale ee Beesha caalamka ee ku wareejiyay gaadiidkan, waxa uuna sheegay in ay wax badan ka dabooli doonaan shaqada Hay’addaha maamulka ee loogu talogalay.

Wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya iyo madaxa Xafiiska UNSOM ee somaliland ayaa Dhankooda tilmaamay in Sii wadayaan wada-shaqaynta Somaliland, gaar ahaan Barnamjika Sharciga wada-jirka ah ay ee ka wada shaqaynayaan somaliland, Midowga yurub iyo Qaramada Midoobay.

“13 baabuur ayaa lagu wareejiyay xarumaha booliska iyo cadaaladda saaka. Shaqadooda degdegga ah waa inay taageeraan nidaamka doorashada iyadoo guddiga doorashada ay hoggaaminayaan. Dadaalkani wuxuu qayb ka yahay mashruuca Sharciga oo ay fulisay UNDP” ayuu yiri Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Nicolas Berlanga.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post