243 Views

Maamulka Dagmada Ceelguula ee Gobalka Mudug oo Dhagax Dhigay aargo laga Dhisaayo Bartamaha Dagmada Ceelguula,

Maamulka Dagmada Ceelguula ee Gobalka Mudug oo  Dhagax Dhigay aargo laga Dhisaayo Bartamaha Dagmada Ceelguula,
____________________________________________________________________________

Talaado: NOVEMBER 22, 2022

Maamulka iyo bulshada Dagmada Ceelguula ee Gobalka Mudug, ayaa Dhagax Dhigay aargo laga Dhisaayo Bartamaha Dagmada Ceelguula, taas oo qeyb ka ah horumarinta iyo sara u qaadista Bilicda Dagmada Ceelguula.

Dhallinyaradda Dagmada, ayaa kaalin weyn ka qaadan doona Dhismaha aargada cusub iyo Mashruuca kasta oo sare lagu qaadayo Horumarka Dagmada Ceelguula ee Gobalka Mudug

Guddoomiyaha Dagmada Ceelguula Cali Baashi Macalin Aadan, ayaa uga mahadceliyay Bulshada Dagmada Ceelguula, iskaashiga ee muujiyen,iyo siday ugu holwan yihiin hormarinta Dagmada, isagoo dhinaca kalana sheegay in dhallinyaradda Dagmada Ceelguula ay mar kasta diyaar u yihiin in maalkooda maskaxdooda iyo muruqooda ay uga qeyb qaataan horumarinta adeegyada bulshada.

Ugu dambeyntii Guddoomiyaha Dagmada Ceelguula Cali Baashi Macalin Aadan, ayaa yiri ” Waxaan idinka codsanayaa inaad haddii aad tihiin qurba joogta,dagmada Ceelguula, inaad sii laba laabtaan taakuleynta iyo ka qeyb qadashada horumarinta Degmada Ceelguula”.

Sidoo kale waxow yari Guddoomiyaha degmada Ceelguula ” Waxaan boggaadinayaa dhallinyarada kaalinta weyn ku lahaayeen,Dhismaha Isbitaalka weyn ee Dagmada Ceelguula”.

Office  Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post