1251 Views

Iiraan Oo Tijaabisay Gantaal Cusub

Iiraan Oo Tijaabisay Gantaal Cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | June 10,, 2019  –Gantaalkaasi oo lagu farsameeyey gudaha Iiraan ayaa waxaa loogu magac daray Khordad 15, wuxuuna awoodi karaa inuu hal mar hawada ku burburiyo 6 Gantaalladda caddowga soo tuuraan.

Wasiirka Difaaca Iiraan, Jeneral Amiir Hamtimi ayaana waxa uu maanta goobjoog ka ahaa Munaasabadda lagu tijaabinayey Gantaalkaas Cusub, sida ay sheegtay Wakaalladda waraka Iiraan ee IRNA.

Wasiirka oo ka hadlay Munaasbaadaasi waxa uu sheegay in Gantaalkaasi  ogaan karo Diyaaradaha Dagaalka iyo Darooniska,  isla markaana uu wax ka duqeyn karo masaafo dhan 120 KM.

Nidaamka Diffaaca ee Khordad 15 waxaa la sheegay inuu adeegsan karo Gantaalladda Sayad 3 ee lagu farsameeyey gudaha dalka Iiraan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment