1152 Views

Senate-ka Mareykanka oo lagu wadaa in ay u codeeyaan in Donald Trump uu mas’uul ka ahaa kicinta Weerarkii Capital Hill

Senate-ka Mareykanka oo  lagu wadaa in ay u codeeyaan in Donald Trump uu mas’uul ka ahaa kicinta Weerarkii  Capital Hill
____________________________________________________________________________

Sabti: 13/2/2021

Mudanayaasha Golaha Senate-ka Mareykanka ayaa lagu wadaa in maanta oo Sabti ah ay u codeeyaan in Donald Trump uu mas’uul ka ahaa kicin dowladda lagu afganbin rabay iyo inkale, ka dib weerarkii ay taageerayaashiisu 6-dii January ku qaadeen xarunta Koongareeska ee magaaladan Washington DC.

Guddiga dacwadda ku oogaya Trump ee ka socda Aqalka Wakiillada iyo qareennada difaacaya madaxweynihii hore ayaa saddexdii maalmood ee la soo dhaafay kiisaskooda geeyay Senate-ka. Midkoodna lama filayo in maanta uu keeno marqaati, sidaasi daraadeed ayaa lagu wadaa in xubnaha Senate-ka ay cod u qaadaan dacwadda madaxwenihii hore loo heysto.

Dacwad oogayaasha kiiskan oo ah Dimiqraadiyiin ayaa ku eedeeyay Trump inuu si toos ah u amray dadkii 6-dii bishii hore weeraray dhismaha Capitol Hill, iyaga oo goobta ku soo bandhigay muuqaallo argagax leh oo muujinaya khatarta kooxihii mintidka ahaa ay geliyeen mudanayasha koongareeska.

Laakin qareennada difaacayay Trump ayaa sheegay in madaxweynihii hore loo heysto aano siyaasadeed, isla markaana hadalladii uu ka jeediyay mudaaharaadkii 6-dii January si qaldan loo fasiray.

Donald Trump ayaa haddii dacwadda lagu helo wajahaya inuusan mar danbe xil ka qaban Dowladda Federaalka, laakin Dimoqraadiyiinta ayaa u baahnaan doona in ay helaan codadka 17 mudane oo Jamhuuri ah, taasoo ah mid aad u adag.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post