573 Views

Soomaaliya oo deeq bixiyeyaasha Caalamiga kala hadashay arrimo muhiim ah

Soomaaliya oo deeq bixiyeyaasha Caalamiga kala hadashay arrimo muhiim ah
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 13 2021–Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ( Jaamac) ayaa kulan ku qabsoomay dhinacca Intenet-ka ee Aalada fogan araga waxaa uu la yeeshay deeqbixiyayaasha Caalamka ee Soomaaliya ka taageera dhinaca Cadaaladda.

Shirka waxaa lagu falanqeeyey  barnaamijyada cadaaladda iyo asluubta, iyadoo aad looga hadlay horumarrada laga sameeyey xabsiyada Kismaayo iyo Maxkamadda Boosaaso.

Wasiirka ayaa ka hadlay howlaha sanadkaan hortabinta u leh Wasaaradda Cadaaladda ayna kamid tahay qorshaha istraajiyadeed ee shanta sano ee hey’adaha cadaaladda yeelanaayaan.

Ugu danbeyntii waxaa shirka lagu ansaxiyey howl-qorsheedka  Wasaaradda Cadaaladda Xukuumadda Soomaaliya ee Sanadka 2021.

Shirka waxaa ka qeyb galay deeq bixiyeyaasha taageera bahda cadaaladda sida EU, Netherlands, Sweden, Hey’adda IDLO, iyo dhammaan qeybaha hey’adaha Qaramada Midoobay.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post