1053 Views

Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneral Xijaar oo shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir

Taliyaha Ciidanka Booliska  Jeneral  Xijaar oo shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Isniin: March 28, 2022

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar ayaa shir la qaatay Taliyeyaasha Booliiska, Qaybta Guud ee Gobolka Banaadir, Qaybaha iyo Saldhigyada Degmooyinka,

Shirkaas ayaa looga hadlay adkaynta amniga guud ee dalka, kan caasimadda Muqdisho iyo dardar gelinta sugidda amniga doorashooyinka dalka oo maraya meel gabogabo ah.

Taliyaha ayaa Saraakhiisa Ciidanka Booliska faray in si weyn looga hortago falalka liddiga ku ah amniga, lagana feejignaado dhagaraha ay argagixisada arxanlaaweyaasha ahi u maleegayaan shacabka Soomaaliyeed ee birimagaydada ah.

Sidoo kale Taliyaha ayaa faray saraakiisha in la labo jibaaro dadaallada sugidda amniga guud ee dalka iyo kan caasimadda, inta lagu guda jiro bisha barakaysan ee Ramadaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post