501 Views

Madaxweyne Biden “ Maxkamadda Sare waxay samaysay ‘go’aamo xun’

Madaxweyne Biden  “ Maxkamadda Sare waxay samaysay ‘go’aamo xun’
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Dhaleecayn dheeraad ah ayaa ka timid Madaxweyne Biden oo ku aaddan go’aankii maxkamadda sare ee Jimcihii ee meesha looga saaray xuquuqda dastuuriga ah ee ilmo iska soo rididda. Xukunka, ayuu ku tilmaamay mid ‘xanuun badan’ iyo in uu ‘waxyeello’ u ahaa dad badan oo Maraykan ah.

Waxa uu sheegay in maamulkiisu uu si dhow ula socon doono sida dowlad-goboleedyadu u hirgeliyeen mamnuucidda ilmo iska soo xaaqidda — gaar ahaan haddii ay ku xad-gudbi karaan xuquuqaha dastuuriga ah iyaga oo ka hortagaya dadka ka soo gudbaya xudduudaha gobolka si ay u raadsadaan ilmo iska soo xaaqid.

Mudaaharaadyo kale ayaa ka dhacay bannaanka hore ee Maxkamadda Sare, kuwaasoo isugu jiray kuwo lagu taageerayo iyo kuwo looga soo horjeedo xukunkii Jimcihii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post