696 Views

Muwadiniin u dhalatay Kuuriyada Waqooyi oo lagu soo oogay shirqool ay ku doonayeen inay ku xadaan lacag dhan 1.3 bilyan

Muwadiniin u dhalatay  Kuuriyada Waqooyi oo  lagu soo oogay shirqool ay ku doonayeen inay ku xadaan lacag dhan 1.3 bilyan
____________________________________________________________________________

Feb: 18/2/2021

Saddex qof oo u dhalatay dalka Kuuriyada Waqooyi ayaa lagu soo oogay dembi ah inay maleegeen shirqool ay ku doonayeen inay ku xadaan lacag dhan 1.3 bilyan oo doollar. Lacagtan ayaa la sheegay in raggan ay doonayeen inay kala baxaan bangiyo iyo xarumo ganacsi oo ku yaala caalamka.

Saddexda qof oo aanan la xirin ayaa sidookale lagu eedeeyay inay adeegsadaan barnaamij dhanka tiknoljiyadda oo ay doonayeen inay u adeegsadaan “xatooyada”.

Sidookale muwaadin kale o u dhashay dalalka Canada iyo Mareykanka ayaa lagu eedeeyay in si sharci darro ah u kala gudbiyeen lacag. Kooxdan ayaa sidookale la sheegay inay qeyb ka ahaayeen weerar dhanka intarnetka oo la fuliyaya sanadkii 2017-ka, weerarkaas oo waxyeelo ba’an u geystay hannanaka kombyuutarada ee adeegga caafimmaadka ee dalka Ingiriiska.

Mar uu ku dhawaaqayay dembiyada loo heystay raggan ayaa xeer ilaaliyaha guud ee amniga qaranka Mareykanka, John Demers waxaa uu sheegay in dalka Kuuriyada Waqooyi “uu hoy u noqday burcadda intarnetka”.

Mid kamid ah ragga lasoo eedeeyay oo lagu magacaabo Park Jin Hyo kaya ayaa laba sano kahor lagu soo eedeeyay dembi ah in uu ku lug lahaa weerar dhanka intarnetka ah oo lagu qaaday shirkadda sameysay qalabka tiknoljiyadda ee Sonny.

Mr Park, Jon Chang Hyok iyo Kim Il ayaa loo heystaa inay maleegeen shirqool ay doonayeen inay ku fuliyaan wax isdaba marin.

Waaxda cadaaladda ee Mareykanka waxay sheegtay in raggan ay u shaqeeyaan sirdoonka milateriga Kuuriyada Waqooyi.

“Kooxahani Kuuriyada Waqooyi waxay adeegsadaan kombyuutarada halkii ay ahayd inay adeegsadaan qori, lacaga si casri ah loo dhaco halkii ay lacag kaash ah ka dhici lahaayeen bangiyada, waana qolyaha hogaaminaya dhaca bangiyada adduunka oo dhan”, ayuu yiri Demers oo katirsan waaxda cadaaladda ee Mareykanka

Dhammaan ragga lasoo eedeeyay ayaa la aminsan yahay inay ku sugan yihiin dalka Kuuriyada Waqooyi oo aanan muwaadiniinteeda u gacan gelinin dalka Mareykanka, si loo maxkamadeeyo.

Sirdoonka dalka Kuuriyada Koonfureed ayaa maalma kahor Kuuriyada Waqooyi ku eedeeyay in sidookale ay isku dayayeen inay xadaan xogta tiknolojiyadeed ee tallaalka Corona ee ay sameysay shirkadda dawooyinka sameysa ee Pfizer ee Mareykanka.

Wakaaladda wararka ee Yonhap ee dalkaas ayaa kusoo warrantay in saraakiil katirsan sirdoonka Seoul ay gollaha sharci-dejinta ee dalkaas u sheegeen in isku dayga ay sameysay dowladda Kuuriyada Waqooyi, si ay ula soo baxdo xogta la xiriira tallaalka Corona ee ay sameysya shirkadaas oo haatan ay iibsanayaan dalal badan oo caalamka.

BBC-da aya isku dayday in arrintan ay wax ka weydiiso shirkadda dawooyinka sameysa ee Pfizer balse ilaa iyo hadda kama aanay soo jawaabin.

Sidoo kale dowladda Kuuriyada Waqooyi oo lagu eedeeyay tallaabadan ilaa iyo hadda ma aanay helin wax tallaalka feyraska corona balse waxaa la sheegay in toddobaadyada soo socda ay dowladda dalkaas rajeeneyso inay hesho tallaalka AstraZeneca oo gaaraya laba milyan.

office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post