1164 Views

Guddigii qiimeynta hantida ku burburtay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa uu magacaabay Muuse Biixi Cabdi

Guddigii qiimeynta hantida ku burburtay dabkii  ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa uu magacaabay Muuse Biixi Cabdi
____________________________________________________________________________


Axad: April 3, 2022

Guddigii qiimeynta hantida ku burburtay dabkii  ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa ee uu shalay magacaabay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dhawaaqay inta uu la ogyahay khasaaraha hordhaca ah ee ka dhashay dabkaas.

Guddiga ayaa sheegay in in xog uruurin ay sameeyeen iyo qiimeyn kadib ay ku ogaadeen in khasaaraha dabka ka dhashay uu la egyahay  1.5 ilaa 2 Bilyan oo Dollar, sidaa waxaa warbaahinta usheegay duqa Magaalada Hargeysa Cabdikariin Axmed Mooge.

Intaa wuxuu hadalkiisa ku daray in khasaaraha ay soo gudbiyeen ee ka dhashay dabka ka kacay Suuqa Waaheen uu ka badan karo, balse wali ku howlan yihiin qiimeyntoodii ku aadaneed khasaaraha dabka uu geystay, isagoo xusay in ay bulshada lasoo wadaagi doonaan khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkaas.

Sidoo kale, Maayarka Magaalada Suuqa ayaa sheegay in maalinta talaadada ah oo ay taariikhdu tahay 5- bisha suuqa laga sameyn doono howlo nadaafadeed, laakiin inta ka horreeysana fursad loo siinayo in dadka weli Hantida ka taallo ay kala baxan Suuqa, isagoo xusay in intii badnaa hantidii taalay Suuqa ay ku basbeeleen dabka oo ahaa mid xoogan.

Masuuliyiin iyo Shacab Soomaaliyeed ayaa si aad ah ugu tiiraayooday dabka ka kacay suuqa Magaalada Hargeysa, iyagoo sheegay in ay arrintaas aad ugu xun yihiin islamarkaana ay garab taagan yihiin walaalahoodii halkaa ku hanti beelay Suuqa Hargeyea ee Waaheen.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post