1188 Views

Hay’adda Save The Children oo sheegtay in 5,000 oo caruur iyo waalidiintooda ay ku kala irdhoobeen gobolka Tigray .

Hay’adda Save The Children oo  sheegtay in 5,000 oo caruur  iyo waalidiintooda ay ku kala irdhoobeen  gobolka Tigray .
____________________________________________________________________________

May 4-2021

Hay’adda gargaarka ka shaqeysa ee Save The Children waxay sheegtay in ku dhowaad 5,000 oo canug iyo waalidiintooda ay ku kala irdhoobeen colaadd ka taagan gobolka Tigray ee itoobiya.

Dad badan oo ka baxsaday colaadda ayaa gaaray xeryo cooshado ka sameysan. Hay’adda Badbaadada Dhallaanka waxay sheegtay in carruurtan ay u nugul yihiin gaajo iyo xadgudubyo kufsiga iyo jimsiga.

Waxay sheegtay in hay’adaha gargaarka aysan gaari karin inta badan gobolka, taasna ay sababtay in carruurta ay iyaga is quudiyaan.

Lix bilood ka dib markii dagaalka uu ka bilowday Tigray, illaa 1.7 milyan oo qof ayaa ka barakacay guryahooda.

Qaramada Midoobeey waxay sii wadaa in ay ka digto in xaaladda nololeed ee gobolka ay ka sii dareyso.

Waxay sidoo kale ka digeysaa in xogta xadidan ay muujineyso in uu jiro “heer laga digo” oo ku saabsan macluusha Tigray ka jirta inay saameysay carruurta, haweenka uurka leh iyo hooyooyiinka naas-nuujinaya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post