1107 Views

Rooble oo kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi

Rooble oo kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi
____________________________________________________________________________

Isniin: August 2, 2021

Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, kuwaas oo khilaaf xoog leh uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay kala hoggaaminayaan laba guddoon oo midba gaar uu u doortay.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa lagu soo gudbiyey dalabka kulankaan.

“Xafiiska ra’iisul wasaaraha JFS waxa uu idin farayaa inaad ka soo qeyb gashaan kulan muhiim ah oo uu idinkugu yeeray ra’iisul wasaaraha, kana dhacaya xafiiskiisa, saacadu markii ay tahay 11:00 AM,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu ku saxiixan yahay wasiiru dowlaha xafiiska RW Rooble Cabdixakiin Ashkir.

Dhanka kale Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu maanta soo gabagabeeyey la tashiyadii uu la lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, kuwaas oo mudooyinkii dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf salka ku haya guddiga doorashada gobollada waqooyi.

about:blank “Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble markii uu tix-geliyey in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ay bilaabato, waxa uu go’aan ku gaaray in la guda galo doorashada, waxuuna ra’iisul wasaaruhu kulan deg deg ah berri isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT,” ayuu yiri Macalimuu.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post