621 Views

Faah-faahino dheeraad ah oo kasoo baxayo dil ka dhacay muqdisho.

Faah-faahino dheeraad ah oo kasoo baxayo dil ka dhacay muqdisho.
____________________________________________________________________________


Axad: January 9, 2022

Dagaalmayasha Al-Shabaab ayaa dil ugu geeystay degmada Warta nabadda Ismaaciil Maxamed Aadan, oo kamid ah sida ay shegeen Al-shabaab Ergadii soo xushay Xildhibaannadii Baarlamaankii 10aad ee dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Dilkaan oo ka dhacay degmada Wartanabadda ee gobolka banaadir ayaa qoraal kasoo baxay Al-Shabaab ay ku sheegtay mas’uuliyadda dilkaas, waxaana qoraal ay sidoo kale ku sheegeen in Ismaaciil Maxamed Aadan, uu kamid ahaa Ergada soo xushay Xildhibaannada Baarlamaanka balse aysan sii bixin faah-faahin dheeraad ah.

Dilka ka dib Waxaa goobta gaaray Ciidamo katirsan kuwa amaanka Soomaaliya iyagona sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaasi.

Inta badan dagaalamayaasha Al-shabaab ayaa dilal ceeyn-kaan oo kale ah ka geeysta Muqdisho iyo gobolada dalka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post