957 Views

Xildhibaano laga hor istaagay in ay ka baxaan Garoonka Muqdisho

Xildhibaano laga hor istaagay in ay ka baxaan Garoonka Muqdisho
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 10 2020–Senator Iftiin Xasan iimaan (Baasto) iyo Senator C/llahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) ayaa shir jaraa’id oo ay qabteen uga hadlay qaabkii uu u dhacay is hor istaag lagu sameeyey maanta xilli ay ku sii jeedeen magaalada Kismaayo.

Masuuliyiintan waxay la socdeen wafti siday meydka Allah ha u naxariistee Wasiirkii Waxbarashada Jubbaland oo laga keenay dalka dibaddiisa.

Xildhibaanada waxa ay sheegeen in diyaaradda looga reebay Amar kasoo baxay taliska nabad sugida Soomaaliya iyo sidoo kale Wasiirka duulista Hawadda Xukuumadda Soomaaliya.

Xildhibaanada ayaa sheegay in diyaaradda loo sheegay in aysan bixi karin hadii ay waddo Senetor Fartaag, Iftin iyo Afhayeenkii hore ee maamulka Jubbaland Sayid Carab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment