705 Views

Magaalada Baydhaba oo ay gaareen qaar ka mid ah qoysaskii Somaliland xooga uga bixisay magaalada Laascaanood.

Magaalada Baydhaba oo ay gaareen qaar ka mid ah  qoysaskii  Somaliland xooga uga bixisay  magaalada Laascaanood.
____________________________________________________________________________

Sabti: October 9, 2021

Wararka ka imaanaya Magaalada Baydhaba ee Xarunta  maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in ay halkaas gaareen qaar ka mid ah  qoysaski Xooga looga raray ee looga raafay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Qoysaskan ayaa waxaa diyaarad ay ka qaadday magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, waxaana Baydhaba ku soo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale maalmo ka hor ayay ahayd markii  Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay gaareen magaalada Galkacyo. Si ay dadkaas uga soo xog baxshaan maamulka Koonfur Galbeed ee Gudig ahaan u saaray in ay ka soo war baxshaan xaaladooda.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post