963 Views

-Xasan Sheekh oo Eedeeyay DFS {Jubbaland weey ka qaldan tahay}

-Xasan Sheekh oo Eedeeyay DFS {Jubbaland weey ka qaldan tahay}
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 02, -2019 —Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul waxaa uu kaga hadlay khilaafka Dowladda Federaalka & Maamulka Jubbaland iyo xayiraadii ay dhawaan dowladda saartay.

 

Isaga oo la hadlayay Idaacadda BBC-da ayuu sheegay in dowladda Federaalka looga baahan yahay inay ilaaliso qawaaniinta Caalamiga ah,isla markaana y dhowrto Sharciga oo dowlad lagu yahay.

 

Waxaa uu sheegay in Jubbaland loo geystay dhibaatooyin kala duwan,sida in loo adeegsaday Ajaanib sida uu hadalka u dhigay iyo in la saaray xayiraad saameyn ballaaray yeelatay.

 

“Dowladdu waa labo in qawaaniintii ay ilaaliso oo ay iyadu wax qaldin,gacmo Daahir ayaa wax daahiriya ayaa la yiri,dowladdii oo iyada qaanuunka ku qaldan qof kalaa qaldan cid ka dhageysaneyso majirto,Jubbaland cunaqabateynta la saaray iyo gobolo gar ah la beegsado majirto meel ay ku qoran tahay ayuu yiri”Xasan Sheekh.

 

Marka laga soo tago hadalka Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa waxaa lagu Eedeyn jiray caburinta Siyaasiyiinta iyo dadka ka aragtiyo duwan, iyada oo dad badan la xiray xilligaas.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment