1203 Views

Wasiir Cabdi Kaafi”Warqada Xaaf kasoo baxday Dowladda Nabad & Nolol ayaa soo qortay”

Wasiir Cabdi Kaafi”Warqada Xaaf kasoo baxday Dowladda Nabad & Nolol ayaa soo qortay”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | August 25, 2019 —Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta ee Mamulka Galmudug Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud ayaa kasoo horjeestay xilka qaadis uu Maanta ku sameeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf,kadib wareegto kasoo baxday Xafiiskiisa.

 

Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud oo wareysi siiyay Idaacadda Risaala ee Magalada Muqdisho ayaa waxaa uu sheegay in Xaaf xilligaan kaliya uu yahay kusime ilaa iyo inta laga dooranayo Madaxweyne,isla markaana uusan xilka ka qaadi Karin.

 

Waxaa uu sheegay in Madaxweyne Xaaf uusan jirin wax xil ah oo uu haayo,isla markaana mudo 45 Cisho ah uu ka maqan yahay deegaannada Galmudug,waxaana uu sheegay in tallaabada xilka qadista ah ay ka dambeyso dowladda Nabad iyo Nolol sida uu hadalka u dhigay.

 

“Runtii Xaaf aniga iyo isagaba siihayayaal ayaan nahay wax xil ahna igama qaadi karo marka warqad xamar laga soo qoray looma baahnee mid Shaqada laga soo qoray ayaa la rabaa,waxaana arrintaasi ka dambeeysa dowladda Nabad iyo nolol gaar ahaan Guddiga shirka dib u heshiisiinta Galmudug ayuu yiri Cabdi Kaafi Maxamed Maxamuud”.

 

Wasiirkii Wasaaradda Qorsheynta Maamulka Galmudug ayaa xalay wareysi uu siiyay Idaacadda Risaala waxaa uu ku sheegay in guddiga uu xogheynta u yahay ee qaban qaabashada Shirka dib u heshiisiinta Galmudug uu khilaaf soo kala dhex-galay,isla markaana laba ay u qeyb sameen.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment