366 Views

Ergeyga Arrimaha Abaaraha Oo Kulan La Qaatay jaaliyadda Switzerland

Ergeyga Arrimaha Abaaraha Oo Kulan La Qaatay jaaliyadda Switzerland
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 30, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Mudane. Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, ayaa xalay kulan ballaaran la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Switzerland.

Kulanka oo jaaliyaddu si heer sare ah u soo qaban-qaabisay, ayaa ka dhacay magaalada ugu weyn dalka Switzerland ee Zurich, waxaana si weyn uga soo qeyb galay qaybaha kala duwan ee bulshada sida; Culimada, Aqoonyahannada, dhallinyarada, iyo Haweenka.

Ergeyga, ayaa Jaaliyadda uga warbixiyay xaaladda dalka, gaar ahaan saameynta taban ee Isbaddeka Cimiladu ku yeelatay waddanka iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, isagoo ku boorriyay in ay gacan ka geystaan gurmadka abaaraha iyo la dagallaanka argagexisada.

Ergeyga, ayaa sidoo kale jaaliyadda ku dhaqan Switzerland ku baraarujiyay muhiimadda ay qurba-joogtu xilliga shiddada u leeyihiin nololosha dadka dan-yarta ah ee ku sugan waddanka, isagoo ku tirtirsiiyey in ay u istaagaan dib u dhiska dalka iyo dawladnimada.

Dhanka kale, xubnihii Jaaliyadda ee ka hadlay munaasabadda, ayaa Ergeyga ku ammaanay doorkiisa u qareemidda, u qeylo dhaaminta gurmadka abaaraha iyo sida uu waqtiga u galiyay inuu indhaha caalamka ku soo jeediyo baaxadda abaarta ka jirta waddanka.

Ergeyga, ayaa Switzerland ku tagay safar shaqo, isagoo magaalada Bern kulan kula qaatay madaxda Afrika ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Switzerland, halka uu Geneva uga qeyb-galay shir looga hadlayey saameynta masiibooyinka caalamiga ah ee is huwan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post