999 Views

Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Maxkamad la horgeeyay

Wasiirkii Amniga Jubbaland oo Maxkamad la horgeeyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October 06, -2019 —Maanta waxaa Maxkamada Gobolka Banaadir la horgeeyay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) kaas oo dowladda Soomaaliya ay Garoonka Diyaaradaha Aadan-Cadde ee Magalada Muqdisho ka xirtay 31-kii Bishii Agoosto ee sanadkan 2019.

 

Eedeysane Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa Maxkamadda Maanta lala keenay Buulle Aadan Maxamed oo ahaa taliyihii Ciidamo ka howl geli jiray Doolow iyo Beled Xaawo,waxana mas’uuliyiintaan loo heystaa  eedeymo la xiriira xadgudub dhanka bani’aadannimada oo ka dhacay Degmada Doolow ee Gobolka Gedo.

 

Xariga ay Dowladda Soomaaliya u geystay Wasiirkii Amniga Maamulka Jubbaland  Cabdirashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan ) ayaa waxaa horay uga dhashay banaanbaxyo ay dhigayeen Shacab kazoo horjeeda xarigiisa,waxaana Hay’adaha Amniga Soomaaliya ay sheegeen in cadaaladda la marsiin doono.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment