1908 Views

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirrada cusub

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha oo ka qeyb galay munaasabadda dhaarinta Wasiirrada cusub
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 26, 2018 —- Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna kusimaha Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa ka qeyb galay munaasabad lagu dhaarinayay wasiirada cusub ee xukuumadda, taas oo lagu qabtay xarunta Villa Hargeysa.

Munaasabadda lagu dhaarinayay wasiirrada cusub waxaa goob joog ahaa gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan, labadiisa ku-xigeen iyo masuulyiin kale.

Gudoomiyaha Maxkamadda sare ee dalka, Ibraahim Iidle Saleebaan, ayaa dhaariay wasiirada cusub si ay u bilaabaan la wareegidda xafiisyadooda si dhaqsa ahana u guda galaan shaqooyinka laga sugaayo in ay qabtaan.

Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa gababadii munaasabadda kula dardaarmay wasiirada cusub in ay dadaal dheeraad ah sameeyaan si ay ugu guuleestaan howlaga qaran ee Hor-yaalla.

arinta-wasiirada-cusub-6 arinta-wasiirada-cusub-5 arinta-wasiirada-cusub-4 arinta-wasiirada-cusub-3 arinta-wasiirada-cusub-2 arinta-wasiirada-cusub-1

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment