2073 Views

Gabar Lagu Dhex toogtay Jaamacad ku taalla Muqdisho

Gabar Lagu Dhex toogtay Jaamacad ku taalla Muqdisho
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 21, 2018 –Koox hubeysan ayaa Jaamacadda Soomaaliya (UNISO) qeybta Baar Ubax waxa ay duhurnimadii maanta ku dhex dileen gabar dhalinyaro aheyd oo ka tirsaneyd ardayda Jaamacaddaasi, sida ay inoo xaqiijiyeen maamulka Jaamacadda.

Dabley hubeysan oo u muuqday inay heysteen xog dhameystiran ayaa gudaha Jaamacadda gashay waxayna si toos ah u tageen fasalka ay dhiganeysay gabadha, halkaasi ayayna ku toogteen, kadibna halkaasi ayay ka baxsadeen, fasalka waxaa gabar ka ahaa marxuumada la toogtay iyo gabar kale, halka inta kale ay ahaayeen wiilal.

Masuuliyiin ka tirsan Jaamacadda Soomaaliya ayaa waxa ay inoo sheegeen gabadhan in Jaamacadda ay ka baraneysay kuliyadda Shareecada, islamarkaana ilaa hadda aanay garaneyn sababta loo beegsaday.

Qaar ka tirsan ardayda ayaa waxa ay sheegeen gabadha la beegsaday oo lagu magacaabi jiray Aamina Xuseen Xasan inay sanadkeedii ugu dambeeyay ee Jaamacadda ku jirtay.

Si dhab ah looma oga sababta ka dambeysa rag hubeysan inay gudaha u galaan Jaamacadda oo aan la ogoleyn inuu galo qof aanan wadan aqoonsiga Jaamacadda, kadibna ay geystaan toogasho, sidoo kalena baxsadaan.

Ciidanka ammaanka ayaa tagay Jaamacadda, waxayna halkaasi ka sameeyeen baaritaan ku aadan sida ay wax u dhaceen, lama soo sheegin falkan dilka ah ciidamada dad ay u soo qabteen.

Ardayda Soomaaliyeed ayaa ka dhiidhiyay dilka loo geystay ardayadan, waxayna dowladda federaalka Soomaaliya ka dalbadeen in si deg deg ah cadaaladda loo horkeeno ragga dilka geystay.

18-kii bishan ayay aheyd markii askari ilaalo u ahaa Gen. Sheegow uu Muqdisho ku toogtay 9 jir gabar aheyd oo dhiganeysay fasalka Koowaad ee iskuulka Hoyga Xamar, iyada oo saaran gaariga iskuulka, sababo la xirira wadada oo ciriiri aheyd.

 

 

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment