717 Views

Masar oo ka ashtakootay illeyska shucaaca ee lagu cawiray Maxamed Saalax

Masar oo ka ashtakootay illeyska shucaaca ee lagu cawiray Maxamed Saalax
____________________________________________________________________________

Khamiis: March 31, 2022

Dowladda Masar ayaa diiwaangashatay cabasho rasmi ah oo ka dhan ah dowladda Senegal kadib markii taageerayaasha Senegal ay xiddiga Masar Maxamed Saalax ku cawareen illeyska shucaaca, taas oo keentay in uu gefo gool-ku-laad loo salaxay.

Masar ayaa sheegtay in dhacdadan ay tahay mid midab takoor ah.

Xiddiga Senegal Sadio Manne ayaa dhaliyay goolkuu guusha ee dalkani ugu gudbay mudnaanta ka qeybgalka tartanka koobka adduunka.

Masar waxa kale oo ay sheegtay in la weeraray baskii ay saarnaayeen xulka kooxda Masar, dhaawacyana loo geystay.

Fagaaraha weyn ee Dakar oo qaada 50 kun oo taageerayaal ee lagu magacaabo Cabdullaahi Wade ayay ka dhacday ciyaartii ay ku hardamayeen Senegal iyo Masar, iyada oo Senegal ay ku badisay 1-0.

Augustin Senghor oo ah guddoomiyaha xiriirka kubadda cagta Senegal, oo sidoo kale ah ku xigeenka xiriirka Afrika ayaa sheegay in ay tahay markii ugu horeysay ee illeyska shucaaca laga isticmaalo dalkiisa, balse arrintani ay ku badnayd dalka Masar.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post