1023 Views

Akhriso:-Xilliga lagu dhawaaqayo liiska Xildhibaannada Koonfur Galbeed

Akhriso:-Xilliga lagu dhawaaqayo liiska Xildhibaannada Koonfur Galbeed
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Isniin  , March 2, , 2020 —Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa haatan ka socda dardar gelinta howlaha soo xulista Xildhibaannada Cusub ee Baarlamaanka labaad ee Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

 

Xubnaha guddiga madaxa banaan ee soo xulista Xildhibaannada Koonfur Galbeed & Odayaasha Dhaqanka ayaa waxaa ay wadaan kulamadii ugu dambeeyey si Gudaha Bishaan liiska Xildhibaannada loogu dhawaaqo.

 

 

 

Qaar kamid ah Xubnaha musharixiinta ah ee doonaya inay kamid noqdaan Baarlamaanka labaad ee Koonfur Galbeed ayaa dhankooda waxaa ay dadaal ugu jiraan sidii ay uga mid noqon lahaayeen Baarlamaanka,iyaga oo wada kulamo kala duwan.

 

Guddoomiyaha guddiga farsamada madaxa banaan ee soo xulista Koonfur galbeed Maxamed Keeroow Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Bayhabo ayaa sheegay in liiska Xildhibaannada ay ku dhawaaqayaan inta u dhaxeysa 11-ka bishan ilaa iyo 19-ka sida ku qoran Jadwalkii horey loo soo saarey.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment