423 Views

Dowladda Marooko oo sheegtay in 18 muhaajiriin ah ay dhinteen kaddib markii dad aad u badan ay isku dayeen inay u gudbaan xadka Spain.

Dowladda Marooko oo  sheegtay in 18 muhaajiriin ah ay dhinteen kaddib markii dad aad u badan ay isku dayeen inay u gudbaan xadka Spain.
____________________________________________________________________________

Sabti: June 25, 2022

Dowladda Marooko ayaa sheegtay in 18 muhaajiriin ah ay dhinteen kaddib markii dad aad u badan ay isku dayeen inay u gudbaan xadka Spain.

Saraakiisha ayaa sheegay in muhaajiriinta qaarkood ay ka soo dhaceen derbiga xadka halka kuwa kalena ay isbuurasho u dhinteen.

Spain ayaa sheegtay in ciidamada ammaanka labada dhinac ay ka hortageen rabshad ay sameeyeen dadkaas.

Rabshadaha ka dhashay xadka labada dal ayaa waxaa ku dhaawacmay tiro muhaajiriin ah iyo dhowr kamid saraakiisha ciidamada amniga ee Marooko iyo Spian kuwaas oo haatan lagu daweynaya cisbitaallada.

Ra’iisul wasaaraha Spain Pedro Sanchez ayaa cambaareeyay “weerarka rabshadaha dhaliyay” ee ka dhacay xadka, isagoo ku eedeeyay waxa uu ugu yeeray “Kooxaha maafiyada ah ee ku howlan tahriibinta dadka”, ayuu yiri mar uu hadal ka jeediyay Brussels

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post