546 Views

Qarax askar ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Shabeellada Hoose.

Qarax askar ay ku dhaawacmeen oo ka dhacay Shabeellada Hoose.
____________________________________________________________________________

Axad: February 20, 2022

Qarax miino ayaa waxaa lala eegtay mooto ay saarnaayeen askar ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya oo marayay inta Deegaanka Mareeray iyo degmada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose.


Goobjoogayaal ayaa Saxaafada u sheegay in qaraxa ay ku dhaawacmeen 2 askari oo ka tirsan ciidamada dowladda Soomaaliya.

Ma jiro weli wax war ah oo ka soo baxay saraakiisha ciidamada iyo kan maamulka gobolka Shabeellada Hoose.


Deegaanada ka tirsan gobolka Shabeellada Hoose ayaa waxaa ka dhaca qaraxyo iyo weeraro toos ah oo Al-shabaab ay ka fuliyaan gobolkaasi

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post