294 Views

Madaxweyne Xasan Sheekh oo u magacaabay Cabdirisaaq Juurile in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Madaxweyne  Xasan Sheekh oo  u magacaabay Cabdirisaaq Juurile  in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.
____________________________________________________________________________

Arbaco: OCTOBER 26, 2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Cabdirisaaq Cismaan Xasan (Juurile) in uu noqdo Lataliye Sare ee dhanka dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in Porf. Juurile uu khibrad iyo aqoon durugsan u leeyahay qaab-dhismeedka dowladnimada Soomaaliyeed, duruufaha ku xeeran dalka iyo qorsheyaasha dib u dhiska qaranka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Alle uga baryey Lataliyaha sare ee dimuqraadiyeynta iyo dowladda wanaagga, in uu u fududeeyo masuuliyadda culus ee uu u magacaabay, waxa uuna kula dardaarmay in uu si hufan oo daacadnimo leh ugu adeego Qaranka.

Lataliye Cabdirisaaq Cismaan (Juurile) ayaa horey u soo qabtay xilal Wasiirnimo oo heer Federaal ah, waxa uuna ka soo mid noqday labada Aqal ee Baarlaamanka Federaalka Soomaaliya, sidoo kalena waxa uu ka soo shaqeeyey arrimaha horumarinta dowladdnimada iyo bulshada.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post