477 Views

Qarax laga maqlay jugtiisa inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo oo goor sii horeysay ka dhacay

Qarax laga maqlay jugtiisa inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo oo goor sii horeysay ka dhacay
____________________________________________________________________________

Talaado February 22, 2022

Qarax laga maqlay jugtiisa inta badan xaafadaha magaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose ayaa goor sii horeysay ka dhacay Isgoyska Somali Star ee xaafada Calanleey ee magaaladaas.

Qaraxaan ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac, waxaana la soo warinaya in uu ahaa qaraxaan mid gaarigiisa loogu xiray Sheekh Cabdinaasir Xaaji Axmed oo ka mid ah culimada Soomaaliyeed kuwooda ugu caansan.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in Sheekh Cabdinaasir uu qaraxaas ku geeriyooday, xilli uu dhawaan ka tagay magaalada Laascaanood, isaga oo magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland u tagay arrimo la xiriiro kulan diineed.

Ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobta qaraxa, iyaga oo xiray wadooyinka ku teedsan Isgoyska uu qaraxu ka dhacay, waxayna bilaabeen baaris hordhac.

https://b1fff7bb8a7d0313646adabebcfd6a08.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-38/html/container.html Laamaha Amniga magaalada Kismaayo illaa hadda kama aysan hadlin qaraxaas, xilli maanta halkaas ay ka dhacday Doorashada qaar ka mid ah kuraasta Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya kuwaas oo deegaan doorashadoodu tahay Kismaayo.

\Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post