1233 Views

Howlgallo laga sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir

Howlgallo laga sameeyay degmooyin ka tirsan Gobolka Banaadir
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Maajo 31, 2019  –Ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya ayaa xalay waxaa ay howlgallo ka sameeyeen Xaafado ka tirsan degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey ee Gobolkan Banaadir.

 

Ciidamada ayaa sigaar ah waxaa ay howlgallada uga sameeyeen Xaafadaha Nasteexo ilaa Suuqa Weyn ee degmada Wadajir,waxaana la sheegay inay ku qabqabteyn dad u badan dhalinyaro.

Ciidamada ayaa hal Goob isugu geeyay dadka howlgalka lagu qabqabtay,iyaga oo baaritaano ku sameeyay,hayeeshee badankood markii dambe ay Ciidamadu siidaayeen.

 

Sidoo kale Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa howlgallo waxa ay ka sameeyeen Xaafadaha xoosh iyo Dabakaaya Madow ee degmada Dharkeenleey,waxaana si la mid ah ay ku qabteyn dad u badan dhalinyaro,kuwaas oo baaritaano dheer kadib qaarkood lasiidaayay.

 

Saraakiisha Ciidamada Booliska ee degmooyinka Wadajir iyo Dharkeenleey wax faah faahin ah kama bixin howlgalladaas,hayeeshee waxaa xusid mudan in labadaasi degmo ay ka dhaceyn falal la xiriira Amnidarro.

 

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa bilihii u dambeeyay waxa ay kordhiyeen howlgallada ay ka sameynayaan degmooyinka Muqdisho hadana waxaa weli socda dilalka qorsheysan ee loo geysanayo askarta dowladda iyo dadka xiriirka la leh dowladda Soomaaliya.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment