2388 Views

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo Kulan la qaatay Safiirka Qadar ee Soomaaliya

Wasiirka Beeraha iyo Waraabka XFS oo Kulan la qaatay Safiirka Qadar ee Soomaaliya
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 27, 2018 – Kulankan uu Wasiirka Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Soomaaliya Mudane Saciid Xuseen Ciid uu xafiiskiisa kulan kula qaatay Safiirka Dalka Qadar u fadhiya Soomaaliya Xasan Xamza Asad ayey kaga wada hadleen qodobo dhowr ah oo ay Ka mid ahaayeen Xoojinta xiriirka labada dhinac , dar dargelinta Heshiisyadii dhexmaray labada doowladood iyo in dalka Qatar loo Dhoofiyo dalagyada kasoo baxa dalka.

Safiirka dowladda Qadar ee Soomaaliya Xasan Hamza Asad  ayaa tilmaamay in dowladda Qadar ay soo dhoweynayso in la dardar geliyo xiriirka labada dhinac Waxuuna Wasiirka  soo gaarsiiyay Fariin uga timid dhigiisa dalka Qadar.

Wasiirka  Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya  mudane Saciid Xuseen Ciid oo kulanka kadib warbaahinta qaranka la hadlay ayaa faah faahiyey qodobadii ugu muhiimsanaa oo ay ka wada hadleen.

Ugu dambeyn Wasiirka  Beeraha mudane Saciid Xuseen Ciid ayaa Safiirka dalka  Qadar u fadhiya Soomaaliya u hadiyadeeyay qaar kamida dalagyada wax soo saar ee dalka, Iyadoo kulanka labada dhinacna uu kusoo dhamaaday is afgarad.

 

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment