636 Views

Aabaha dhalay ra’iisulwasaaraha dalka UK, Boris Johnson, oo sheegay inuu codsanayo dhalashada dalka Faransiiska..

Aabaha dhalay ra’iisulwasaaraha dalka UK, Boris Johnson, oo  sheegay inuu codsanayo dhalashada dalka Faransiiska..
____________________________________________________________________________

Jimco 1 Jannaayo 2021,

Stanley Johnson ayaa idaacada dalkaasi Faransiiska ee RTL u sheegay inuu waligiisba isku arki jiray inuu yahay nin Faransiis ah maadaama hooyadiis ay ku dhalatay dalkaasi Faransiiska.

Stanley oo 80 jir ah isla markaana horey u ahaa xubin ka tirsan xisbiga muxaafidka ee baarlamaanka reer Yurub ayaa aftidii sanadkii 2016 taageerayay in Britain ay ka sii mid ahaato midowga reer Yurub.

Wiilkiisa Boris oo hadda ah ra’iisulwasaaraha dalka UK ayaa hormuud ka ahaa ololihii ka bixitaanka Britain ee Midowga Yurub kaddibna waxaa haatan u suurtagashay in UK uu ugu dambeyntii ka saaro reer Yurub.

Stanley Johnson ayaa saacado uun ka hor inta UK aysan gebi ahaanba ka bixin Midowga Yurub waxa uu sharaxaad ka bixiyay sababta uu ku raadinayo dhalashada dalka Faransiiska.

“Ma ahan inaan raadinayo in aan noqdo muwaadin Faransiis ah balse waxa aan raadinayo ayaa ah in aan dib u hanto jinsiyaddeydii hore.”

Waxa uu sheegay in hooyadii ay ku dhalatay dalka Faransiiska, hooyadeedna ayba ahayd Faransiis. “Weligey waxaan ahaan doonaa nin reer Yurub ah,” ayuu raaciyay.

Stanley Johnson ayaa sanadkii 1979 ku guuleystay in uu ka mid noqdo baarlamaanka Midowga Yurub, xilligaasi oo ah markii ugu horreysay oo doorasho toos ah loo galo ka mid noqoshada baarlamaankaasi. Kaddib wuxuu u soo shaqeeyay golaha Midowga reer Yurub, sidaa awgeedna ra’iisalwasaare Boris waxa uu carruurnimadiisa inta badan ku soo qaatay xarunta Midowga Yurub ee Brussels.

Ka bixitaanka Britain ay ka baxday Miodwga Yurub ayaa kala qeybisay qoyska Johnson.

Rachel Johnson oo ah gabar weriye ah oo la dhalatay ra’iisulwasaare Boris Johnson ayaa isaga baxday xisbiga muxaafidka waxayna ku biirtay xisbiga Liberal Democrats ka hor doorashadii sanadkii 2017, iyadoo xilligaasi ka careysnayd ka bixitaanka Britain ay ka baxayso Midowga Yurub.

Walaalkood Jo Johnson oo ah xildhibaan ka tirsan xisbiga muxaafidka ah ayaa isna iska casilay golaha wasiirrada saandkii 2018, si uu u muujiyo taageeradiisa xiriirka dhow ee uu la leeyahay Midowga Yurub.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post