1269 Views

Xaalada Guriceel oo caawa Dagan Taliyihii ciidanka booliska Haramcad oo ku dhaawacmay Dagaalkii Galabta.

Xaalada Guriceel oo caawa Dagan  Taliyihii ciidanka booliska Haramcad oo ku dhaawacmay Dagaalkii  Galabta.
____________________________________________________________________________

Axad: October 24, 2021

 Waxaa caawa Dagan xaalada magaalada Guriceel ee xarunta ganacsiga Gobolada dhexe, waxaana la sheegay in Dagaalkii maanta uu ka qasaare badnaa Dagaalkii shalay.

Dagaalkii ka dhacay maanta magaalada ayaa waxaa ku dhintay ciidamo iyo saraakiil labada dhinacba ah, waxaana la xaqiijiyey in galabta uu dhaawac soo gaaray u geeriyooday Taliyihii ciidanka booliska gaarka ah ee Haramcad Faarax Muumin.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Sarkaalkaan Xilkaas isla  xalay loo magacaabay hoggaanka ciidanka Haramcad ee Galmudug ku sugan, kadib markii dagaalkii shalay uu dhaawac culus ka soo gaaray Taliyihii Haramcad ee Galmudug.

Waxaa ka mid ahaa saraakisha halkaas ku dhimatay maanta  Cabdulqaadir Maxamed Diiriye oo ahaa taliyihii Nabad sugidda garoonka diyaaradaha ee magaalada Dhuusamareeb iyo askar kale ayaa lagu dilay dagaalkii maanta.

Wararka ayaa sheegaya in caawa fiidkii uu  uu ka dhacay dagaal kale oo kulul gaar ahaan dhanka waqooyi ee magaalada.

Guddoomiyaha degmada Guriceel Aanas Cabdi Macalin oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa qiray in Ahlu-Sunna ay maanta dalbatay xabad joojin, balse waxuu ku eedeeyey in ayagu ay jebiyeen xabad joojinta oo qiyaano ay ka wateen dalabkaas.

Xaalada Magaalada Guriceel ayaa dagan caawa Xiligan oo ah 10-Habeenimo, waxaana casi ka jirtaa in mar kale dagaal ka qarxo halkaas, maadaama Ciidamada iyo saraakiisha Dowlada ay ka caroodeen balantii Maleeshiyaadka Ahlusunna kaga baxeen maanta

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post