1539 Views

Puntland oo Dil toogasho ah ku Xukuntay 17 Alshabaab ahaa oo dilay 300 qof

Puntland  oo Dil toogasho ah ku Xukuntay 17 Alshabaab ahaa oo dilay 300 qof
____________________________________________________________________________

Jiune 14 2021

Raggan maanta lagu xukumey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, ayaa gaaraya illaa sideed iyo toban rag ah.

Toddobo iyo toban kamid ah waxaa lagu xukumay dil toogasho ah, halka kan kalana lagu xukumay xabsi daa’in.

Waxey ku eedeysan yihiin in Gaalkacyo, iyo qeybo kala duwan ee maamulka Puntland kamid ah iney ku laayeen dad gaaraya illaa iyo saddex boqol oo ruux.

Dadkan ay laayeen ayaa isugu jirey xubno kamid ah dowladda iyo shacab rayid ah. Raggan la xukumay ayaa ka hawl galayey Puntland muddo dhan 13 sano. Xubnahan waxey ku eedeysan yihiin iney kamid yihiin ururka Al-Shabaab.

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee gobolka Mudug ee maamulka Puntland, ayaa sheegtay raggan iney isugu jireen qeybo kala duwan oo Al Shabaab ah.

Magaalada Gaalkacyo ayaa lagu laayey dad aad u tiro badan. Tiradan ayaa la oran karaa waa tii uggu badneyn ee dil toogasho ah lagu xukumo taariikhda Puntland mar qura.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post