603 Views

Ciidanka NISA oo howlgal ku dilay Sarkaal katirsan Al-Shabaab

____________________________________________________________________________

Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka ee Soomaaliya ayaa Howlgal qorsheysan oo ka dhan ahaa Ururka Al-Shabaab waxaa ay Maanta  ka fuliyeen degaanka Busleey Daa’uud oo u dhow degaanka Nambar konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalka saraakiisha hoggaamineysay ayaa waxaa ay sheegeen inay dileen madaxii ilaalada waddooyinka Nambar-konton ilaa Iyo Janaale u qaabilsanaa Al-Shabaab balse aysan sheegin Magaciisa.

Taliyaha Ciidanka Nabadsugida iyo Sirdoonka Sirdoonka Qaranka ee Gobalka Shabeellaha Hoose ibraahim tima-weyne oo howlgalka hoggaaminayay ayaa sheegay inay sii wadi doonaan ilaa iyo inta laga xaqiijinayo Amniga degaannada u dhow dhow degaanka Nambar Konton ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ay Ciidanka NISA ka fuliyeen degaano u dhow degaanka Nambar Konton ayaa kusoo aadaya xilli shalay Ciidanka DANAB howlgal gaar ah oo ay ka fuliyeen degaanka Tooratoorow ay ku qabteen lix Xubnood oo katirsan Al-Shabaab.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post