996 Views

Gantaalo lagu weeraray Xero ay deganyihiin ciidamada Maraykanka ee Baqdad.

Gantaalo lagu weeraray Xero ay  deganyihiin ciidamada Maraykanka ee Baqdad.
____________________________________________________________________________

Arbaco : June 23 2021

Gantaalo ayaa ku dhacay xero ay deganyihiin ciidamada
Maraykanka ee ku taala meel u dhaw caasimada dalka Ciraaq ee Baqdad.
Warbaahinta Ciraaq ayaa baahisay in wax loo malaynayo diyaarado meelo
fog fog laga hago ay dhawr gantaal ku dhufteen saldhiga Maraykanku ku
leeyahay banaanka magaalada Baqdad.


Saraakiil ciidan ayaa laga soo xigtay in illaa 4 gantaal ay xerada ku dhaceen
kuwaasoo khasaaro u geystay gaadiid ay ciidamadu leeyihiin.


Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay taliska Maraykanka ee Ciraaq jooga
sidoo kalena ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.


Ururo hubeysan oo willi ka aas aasan dalka Ciraaq lana aaminsanyahay inay
taageero ka helaan dawladda Iran ayaa si joogto ah u weerara xeryaha
ciidamada Maraykanka ee Ciraaq jooga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post