615 Views

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo ku dhawaaqaday Xukunka Cabdifitaax Cali Cumar

Maxkamadda ciidamada qalabka sida oo  ku dhawaaqaday Xukunka  Cabdifitaax Cali Cumar
____________________________________________________________________________

Talaado: July 13, 2021

Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta ku dhawaaqaday go’aanka kama dambeysta ah ee kiiska la-yaabka lahaa ee loo heystay Cabdifitaax Cali Cumar oo dhowaan lagu qabtay magaalada Muqdisho, isaga oo si gaar ah dhac baahsan ugu geystay gabdho badan oo Soomaaliyeed.

Cabdifitaax ayaa ugu horreyn ka shekeeyey taariikhdiisa, maadaama uu horey u soo noqday Imaam iyo sidoo kale macalin dhiga Madaraso lagu barto Qur’aanka Kariimka.

Ugu horreyn wuxuu sheegay inuu dalka Kenya, gaar ahaan xeryaha qaxootiga aaday 2008-dii, kadibna uu arday ka noqday halkaasi, ugana sii gudbay magaalada Gaarisa oo uu ka galay Jaamacad, isaga oo ka bartay Culuumta Diiniga ah, sida uu shaaciyey.

Kadib wuxuu tilmaamay inuu Macalin ka noqday Madaraso, sidoo kalena uu Imaam ka ahaa masjid ku yaalla halkaasi, isla-markaana uu sanado kadib uga sii gudbay Nairobi.

Sidoo kale Cabdifitaax Cali Cumar oo ka hor hadlayey maxkamadda ciidamada ayaa ka hadlay kiis kale oo lagu soo oogay oo ahaa inuu yahay sarkaal ka tirsan Al-Shabaab, wuuna beeniyey, balse wuxuu qiray inuu xiriir iyo la macaamil oo kaliya la sameeyey xubno ka tirsan Al-Shabaab oo ay is yaqaaneyn, kuwaas oo ‘ku dayey inay tashkiiliyaan’.

Cabdifitaax oo sheegay inuu ka tirsan Urur Diimeedka Ictisaam ayaa shaaca ka qaaday in xittaa masaajida ay kala lahaayeen ragga ka tirsan Al-Shabaab ee doonayey inay tashkiiliyaaan,wuxuuna tilmaamay inuu ka diiday ku biiristooda, siduu hadalka u dhigay.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in uu isaga soo tegay magaalada Nairobi, gaar ahaan markii gacanta lagu dhigay mid ka mid ah raggii ka tirsanaa Al-Shabaab ee ay wada xiriiri jireen, si aan loo qaban, wuxuuna Muqdisho ku soo laabtay, sanadkii 2015-kii, isaga oo degmada Dharkenley ka furtay Malcamad weyn oo lagu barto Diinta Islaamka.

Intaasi, kadib waxaa mar qura is-bedalay Cabdifitaax oo noqday burcad dhac ka geysta caasimada, wuxuuna sheegay in is-bedalkiisa uu sababay daawashada Filim Hindi ah oo ay jilayeen saddex Atoore oo aan hubeysneyn, balse lacag baad ah ka qaata dowladda, sida uu ka hor sheegay maxkamadda ciidamada oo maanta xukun adag ku ridday.

Cabdifaax ayaa tan iyo markaas wixii ka dambeeyey bilaabay inuu si farsameysan ku dhaco gabdhaha Muqdisho, isaga oo xeelado kala duwan adeegsanaya, sida inuu haasaawe la sameeyo, kadibna uu ka qaato moobilka, ama inuu wadada kula kulamo isaga oo gaari wata, kadibna uu ka codsado taleefoon uu ku hadlo, sidaasna uu uga qaato.

Maxkamadda ciidamada oo kiiskan gacanta ku heysay tan iyo 30-kii bishii June ayaa ugu dambeyn ku dhowaaqday go’aanka kama dambeysta ah, waxaana Cabdifitaax Cali Cumar lagu xukumay xabsi ciidan oo 10 sano ah, halka Nuur Cali Xasan oo caawiye u ahaa, una geyn jiray Moobeelada, si uu ugu iibiyo lagu xukumay 2 sanooo xabsi ciidan ah.

Ugu dambeyn guddoomiyaha maxkamadda, Xasan Cali Nuur Shuute ayaa sheegay in xukunsanayaasha haddii aysan ku qanacsaneyn go’aankan ay qaadan karaan racfaan.

Xigasho

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post