513 Views

Madaxweynaha maamulka HirShabelle oo wareegto uu soo saaray xilal ka qaadis ku sameeyey agaasimeyaal

Madaxweynaha maamulka HirShabelle oo wareegto uu  soo saaray xilal ka qaadis ku sameeyey agaasimeyaal
____________________________________________________________________________

 Isniin: October 11, 2021

 Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Madaxweynaha maamulka HirShabelle, Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) uu xilka ka qaaday agaasimayaal kuwa Cusubna magacaabay.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Guudlaawe ayaa waxaa xilalkii looga qaaday agaasimeyaasha wasaaradaha amniga iyo qorsheynta ee maamulkaasi, kadib soo jeedin ka timid wasiirada labadaasi wasaaradood.

Sidoo kale Qoraalkan ayaa lagu sheegay in xilka Agaasimihii Wasaarada Qorsheynta, Maalgashiga iyo Xiriirka Caalamiga Dowlad goboleedka Hirshabeelle loo magaabay Maxamed Muxumad Cabdulle, waxaana xilkaas horay u hayey oo laga qaaday Cabdulahi Maxamed Xasan.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Cabdi Raage oo ahaa agaasimihii wasaaradda Amniga ayaa shaqada laga eryey, waxaana xilkaas loo Magacaabay Mukhtaar Maxamed Cabdulle.

Aqriso Warsaxaafadeedka

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post