1614 Views

Musharrax Xasan Xaaji Oo Sheegay In Aysan Dhicikarin Doorashada Koonfur Galbeed Waqtigii Loogu Talagalay

Musharrax Xasan Xaaji Oo Sheegay In Aysan Dhicikarin Doorashada Koonfur Galbeed Waqtigii Loogu Talagalay
____________________________________________________________________________

Muqdisho, Nofeembar 12, 2018 —Musharrixiinta la magac baxay isbedal doonka Koonfur Galbeed oo xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyay in ay faragalin ku heeyso doorashada maamulkaasi.

Musharrax Xasan Xaaji Ibraahim, oo kamid ah musharrixiintaas ayaa wareysi uu siiyay Masraxa Goobjoog News ku sheegay in doorashada madaxtinimada oo horay waqtigeeda loo shaaciyay in 17-ka bishani ay qabsoomayso aynaan suurtagal ahayn.

Wuxuu sheegay in ay jirto faragallin aan qarsoonayn oo dowladda federaalku ku heyso arrinta doorashada, iyada oo wadata musharrixiin gaar ah ayuu yiri.

Xildhibaan hore Xasan Xaaji Ibraahim ayaa sheegay in cabashooyinka ka dhanka ah faragallinta doorashada Villa Somalia ay kala hadleen safaaradda Britain ee Soomaaliya iyo beesha caalamka kaddib markii xubno sarsare oo ka tirsan ay kulan Baydhabo kula qaateen.

Waxaa uu hoosta ka xariiqay in walaac ay ka qabaan arrinka faragellinta isagoo daboolka ka qaaday musharrax Xasan Xaaji Ibraahim in wasaaradda arrimaha gudaha ay si weyn howsha doorashada ugu lug yeelatay.

Xigasho :-GOOBJOOG NEWS

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment