867 Views

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & faah faahin laga helayo

Dagaal ka dhacay duleedka Kismaayo & faah faahin laga helayo
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  September 14, 2021–Dagaalka oo geystay khasaaro kala duwan ayaa waxaa uu ka dhacay Saldhig Ciidamo ka tirsan kuwa dowlad Goboleedka Jubbaland ku leeyihin duleedka Magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose.

Dagaalka ayaa waxaa uu yimid kadib markii sida la sheegay Xubno ka tirsan Al-Shabaab ay weerareen Saldhiga Ciidamada jubbaland ku leeyihiin  degaanka Cabdalla Biroole ee duleedka Kismaayo, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal in ka badan saacad socday.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay ku warrameen in ay maqlayeen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro ka dhashay, hayeeshee ay sheegeen in sirasmi ah u xaqiijin karin dadka ku waxyeeloobay dagaalkaas.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya degaanka Cabdalla Biroole ayaa waxaa ay sheegayaan in Ciidamada Jubbaland ay Maanta howlgallo kala duwan ka wadaan duleedka degaankaas, kaas oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post